Muxuu Jose Mourinho Ka Yiri Kulankii Ay Ka Badiyeen Man City Iyo Tartanka Horyaalka.

04/02/2014 01:24

Waxaa Qoray: maslaxtaleexi

Taariikh: 04-February-2014

1177586-24630464-640-360

Jose Mourinho ayaa cadeeyay inuu yahay mid ka mid ah macalimiinta ugu taatikada fiican adduunka isagoo ahaa maskaxdii ka danbeysay in kooxdiisa ay 1-0 kaga badiso Manchester City oo ay soo gabagabeyso rikoorkoodii Premier League ee ay ku heysteen garoonka Etihad Stadium.

Laakiin Mourinho ayaa diiday in kooxdiisa lagu tilmaamo mid ugu cadcad inay hanato horyaalka xilli ciyaareedkan, isagoo sheegay in xilli ciyaareedkan uu u yahay kaliya mid qiimeyn ah islamarkaana ay xilli ciyaareedka danbe ku soo geli doonaan iyagoo hamigooda yahay hanashada horyaalka.

“Waxa ay heleen labadoo fursadood laakiin waxaan helnay fursado kuwooda ka fiican oo aan ciyaarta ku dilnay” ayuu yiri Mourinho.

“Ciyaartoyda ma arka aysan heysan kubada waxa ay ahaayeen kuwa diyaar u ah dhamaantood inay difaactamaan. Marka ay heysteen kubada waxa ay isku dayayeen inay ciyaaraan, waxaana u ciyaarnay si aad u fiican.

 

 

“Ma ahan mas’uuliyadeena ama yoolkeena inaan dhahno waxaan ugu cadcad nahay hanashada horyaalka. Waa inaan dhameystirno shaxda iyo qaabka ciyaarteen. Tababarayaasha qaar dhiiga ayay uga jirtaa inay yiraahdaan waxaan u baahanahay labo, seddex, afar, shan sannadood oo aan koox ku dhisno.

“Xilli ciyaareedka soo socda aniga iyo ciyaartoydeena waxaan si furan u dhihi doonaa inaan weynaanay oo aan adag nahay, maalinta koowaadba waxaan sheegan doonaa inaan u sharaxanahay horyaalka. Xilli ciyaareedkan kaliya waa qiimeyn.

“Horyaalka waan ku guuleysan karnaa haddii City ay iska dhumiso. Arsenal waxa ay shaqeynayaan sannado aad iyo aadan u badan inay qiimeeyaan kooxdooda.

“Waxa aan sameyneyno xilli ciyaareedkan waa wixii ay Arsenal soo dhiseysay muddo sannado ah. Wax micno ah inooguma fadhinin inaan halkaan imaano oo aan bas ku xirano goolka islamarkaana ay 1-0 nasiib ah ku badino. Qiimeynta kooxda ayaa aad inoogu muhiimsan.”